Ciidanka ilaalada xuduudaha dalka Urdun ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo waday hub, waxa ayna diyaaradan ka timid dhinaca xadka dalka Syria.
Wakaallada wararka u baahisa dalka Urdun ayaa shaacisay in shalay oo Sabti ah xadka Syria kasoo gudubtay diyaarad nuuca aan duuliyaha wadin ee UAV, waxaana diyaaradan waday qoray iyo bambooyin.
Diyaaradan ciidamada soo rideen ayaa laga helay qori nooca M4 rifle iyo 4 bam-gacmeed , lamana oga ilaa hadda cidda diyaaradaasi laheyd iyo sidoo kale goobta loo waday qorayga iyo bambooyinka diyaarada laga helay.
Ciidamada ilaalada xuduudaha dalka Urdun ayaa horey gacanta ugu dhigay una fashiliyay daroogo dhan 375 Kiilogaraam iyo 19 diyaarado droonis laga soo gudbin lahaa xuduudka dalkaasi la wadaago dalka Syria.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com