Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland xalay ilaa saakay isaga baxeen fariisimo muhiim u ahaa ay kaga sugnaayeen magaalada Laascaanood.
Ciidamada Somaliland ayaana la sheegay in ay dib uga gurteen fariisimo ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen kagana jireen difaac adag, waxa ayna sameesteen fariisimo cusub oo magaalada bannaanka ka ah.
Goobaha ay ka baxeen ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa kamid ah gurigii gobolka, waxaana halkaasi la wareegay dadka deegaanka ,kuwaa oo ka fujiyay xaruntaasi astaanta Somaliland kuna dhejiyay astaanta calanka Soomaaliya.
Ciidamada Somaliland ayaa wararku sheegayaan in dib u gurshada ay sameeyeen ay kaga gon leeyihiin soo abaabulida duullaan culus ay mar kale kusoo qaadaan magaalada Laascaanood si ay dib ula wareegaan.
Dagaalka Laascaanood ayaa hadda yeeshay waji cusub, waxaana shalay dadka deegaanka Laascaanood dagaal kula wareegeen saldhigii ciidan ay ugu weynaa Laascaanood ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com