Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Mareykanka leeyahay oo ku burburtay Sh/Hoose iyo Askar Soomaaliyeed oo dhimatay

Waxaa galabta xerada ciidamada cirka Balli-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay shil diyaaradeed oo sababay khasaaro badan oo dhimasho ,kuwaa oo soo gaaray askar Soomaaliyeed oo tababar ku jiray.

Diyaarada burburtay oo aheyd nuuca qumaatiga u kaca ee helicopter ayaa burburtay xilli ay la socdeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo kamid ah ciidamada kumandooska ee Danab ,kuwaa oo la siinayay tababar.

Inta la xaqiijiyay 5-askari oo katirsanaa ciidamada Danab una socday tababar ayaa shilkan ku dhintay, halka saddex kalana ku dhaawacmeen, waxaana wararka aan helnay qaarkood sheegayaan in duuliyihii diyaarada oo Mareykan ahaa shilkan ku dhaawacmay.

Meydadka qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee geeriyooday ayaa la aqoonsan waayay, kaddib markii diyaarada ku qaraxday kuna gubteen, waxaana qaar kamid ah dhallinyarada dhaawaca ah iyo kuwa geeriyootay  la keenay xerada Xalane.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono shilkan diyaaradeed ee dhacay iyo waxa keenay, waxa ayna xuseen in baaritaanka natiijada kasoo baxda dib ka faah faahin doonaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan wali ka hadlin shilkan diyaaradeed ay ku dhinteen askarta Soomaaliyeed, waxaana askarta geeriyootay qaarkood tacsidooda laga dareemayay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan Cali Xuseen oo isku soo dhiibay Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Burcad dhac ka waday xaafad ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada oo goordhaw Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---