Waxaa goordhaw hool kuyaalla magaalada Muqdisho ka dhacay doorasho natiijadeeda horey loo sii ogaa, kaa oo lagu dooranayay xildhibaankii buuxin lahaa kursigii horey loogu diiday in uu ku fadhiisto Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Doorashada kursiga GSH # 086 oo horey loo sii ogaa musharaxa kusoo bixi doona ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo midkood malxiis ahaa, kaa oo doorashada inta aysan bilaabanba shaaciyay in uu tanaasulay.
Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed oo Villa Soomaaliya u xirtay kursigan ayaa ku guuleestay doorashada, kaddib markii ergadii hoolka soo xaadirtay qaab gacan taag ah ugu codeeyeen.
Doorashada kursigan ayaa waxaa hareeyay buuq fara badan, waxaana kursigan oo deegaan doorashadiisa aheyd magaalada Baladweyne loo soo wareejiyay Muqdisho, waxaana loo diiday in ay tartamaan musharaxiin kursigan isku soo sharaxay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com