Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Jaabiri oo loo doortay Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamanka…

Xoghayaha guud ee golaha shacabka baarlaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) oo loo doortay Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamannada Dowladaha xubnaha ka ah Carabta.

Cabdiraxmaan Jaabiri oo ku sugan magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq ayaa ka qeyb galay kulanka 42-aad ee golaha xoghayayaasha guud ee baarlamaannada Carabta, waxa uuna warbixin ka bixiyay xaalada Soomaaliya.

Kulankan oo barbar socday meerteeda 34-aad ee baarlaannadda Carabta oo socon doona Febraayo 25-26, ayaa xoghayeyaasha waxa ay iska doorteen sedex xubnood oo guddiga fulinta ka mid ah, waxaana xubnahaasi ka mid noqon doona Soomaaliya, Al Jeeriya iyo Ciraaq.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Bagdaad kaga qeyb galaya meerteeda 34-aad ee Baarlaannadda Carabta , waxa uuna Aadan Madoobe kulanka ka jeedin doonaan warbixin la xariirta xaalada Soomaaliya iyo taageerada ay u baahan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Booliiska Gobolka Hiiraan oo lagu dilay dagaal dhax maray Ciidamo kala taabacsan…

Cabdi Cade

Madasha Kulmiye Forum oo qabatay kulan wacyi-gelin ah oo ku saabsan COVID-19

Caydiid Ali

Kenya oo ka Walaacsan in Ciidankeeda Jooga Kismaayo lagu bedelo Ciidamo kale oo ka socda dalalka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---