Allbanaadir.com
NEWS

Dad ka badan 95-qof oo ku dhintay Dagaalka ka socda Laascaanood iyo khasaaraha oo…

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa ka socdo muddo ka badan labo isbuuc dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamo taabacsan dadka deegaanka Laascaanood.

Dagaalka ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale dagaalka ku barakacay kumanaan kun oo kamid ahaa dadkii magaalada kunoolaa.

Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood ayaa sheegay in dagaalka magaaladaasi ka socda ay ku dhinteen 96-qof, halka dadka ku dhaawacmay ku sheegay in ay gaarayaan 560 qof.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka Laascaanood ayuu maamulaha Isbitaalka sheegay in ay u badan yihiin dad shacab ah ay haleeshay madaafiicda magaalada lagu garaacayo iyo rasaasta wiiftada ah.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oon wali lagu kala adkaan ayaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha dhimasho ee ka dhashay, dagaalka aya asidoo kale sababayin ay ku barakacaan dad ku dhaw 200-kun oo ruux oo shacab ahaa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Cali Ciid oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo diyaar garow lagu soo dhaweenayo oo Socda

Cabdi Cade

Nin Carab ah oo gubay nuqul kamid ah Kitaabka Qur’aanka xilli booliis ilaalinayeen

Cabdi Cade

Hub & Ciidamo laga dejiyay Kismaayo & Walaac soo wajahay shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---