Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Booliska Canada oo sabab yaab leh u xiray arday wax ka barta Ontario

Dalka Canada, Arday 16 jir ah ayaa la xidhay ka dib markii uu ardayda horteeda ka yiri “Ilaahay waxa uu abuuray laba Jinsi oo kaliya, Lab iyo Dhidig”

Josh Alexander oo ah arday 16 jir ah oo dhiganayay Dugsiga St Joseph Catholic High School Ontario ayaa sidoo kale loo diiday inuu dib ugu laabto dugsigaasi.

Alexander ayaa markii ugu horeysay waxbarashada laga joojiyay ka dib markii uu ka soo horjeeday siyaasadda jinsiga ee dugsiga”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska

Markii uu isku dayay in uu aado fasalka 6-dii Febraayo, ka dib mar kale ayaa waxbarashada laga joojiyay waxaana loo xiray xad gudubka sharciga jinsiga. hase ahaatee maalmo ka dib waa la sii daayay laakiin waxaa laga mamnuucay inuu tago fasallada illaa dhammaadka sannad dugsiyeedka.

Wareysi EWTN News Nightly la yeeshay Alexander ayaa sharaxay in ka dib markii uu bilaabay inuu dhigto dugsiga Katooliga

“Si dhakhso ay ardaydu dumarku iigu wargeliyeen in ardayda ragga ahi ay isticmaalayaan qolalka dharka dumarka; Arrinkani waxa uu ahaa mid ku soo baxay maamulka fasalka, waxaanan madashaas ka faa’iidaystay in aan fikradayda la wadaago sida arday kasta oo kale uu fursad u helay, waxaan sheegay in ay jiraan laba jinsi oo keliya oo kala ah lab iyo dhedig, sababtoo ah waxaa fasalka ku jira arday transgender ama dadka isku jisniga ah ee wax iska daya, taasina waxaa loo tixgeliyey cagajugleyn.” ayuu yiri ardaygan.

Alexander waxa kale oo uu ka dhawaajiyay walaaciisa ku aadan siyaasada jinsiga ee maamulka dugsiga laakiin waa la iska indhatiray. Isaga iyo arday kale oo ay khusayso, Alexander waxa uu abaabulay mudaaharaad laakiin laba maalmood ka hor xioliga loo qorsheeyay, ayaa si lama filaan ah waxbarashada looga joojiyay.

Kooxaha maxalliga ah ee Arnpour Pride, Renfrew PRIDE, iyo PFLAG Canada-Renfrew County ee u dooda xuquuqda dadka jinsigooda bedelay ayaa abaabulay mudaaharaad iyagoo kooxda Alexander ku tilmaamay “urur argagixiso.”

LifeSite News ayaa sheegtay in Dugsiga Sare ee St. Joseph uu ku wargeliyay ardayda ka qayb qaadanaysa mudaaharaadka Alexander in laga mamnuuci doono inay dugsiga wax ka bartaan.

St. Joseph’s wuxuu ku andacoonayaa in ficillada Alexander ay ka dhigan yihiin cagajuglaynta ardayda jinsigooda bedelay, hase ahaatee  Alexander ayaa u sheegay EWTN in taasi aysan ahayn ujeedadiisa.

“Arrintaydu may ahayn mid ku saabsan ardayda gaarka ah,” Alexander ayaa yidhi. “Anigu waxaan qabaa arrin ku saabsan nidaamka dhiirigelinaya qaabkan dhaqan xumada.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo kusii jeeda Degmooyin Al Shabaab heestaan

Cabdi Cade

Gabar Muqdisho ku dishay askari xiriir Jaceyl kala dhaxeeyay

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh & Dhigiisa Al-siisi?

Caydiid Ali