Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku dhawaaqay in mushaharkii laga joojiyay dhamaan gollihii Wasiirada ee Pakistan sidoo kalena laga qaadayo dhamaan gawaarida raaxada ah ee ay wataan.
Shehbaz sharif wuxuu sheegay in dhamaan gollaha Wasiirada, wasiiru dowlayaaasha, la taliyeyaasha iyo Kalkaaliyeyaasha gaarka ahi aysan heli doonin wax mushahar iyo gunooyin ah sababa dhaqaale daro awgeed.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhamaan Wasiirada, wasiiru dowlayaaasha, lataliyeyaasha iyo Kalkaaliyeyaasha gaarka ahi ay jeebabkooda ka bixin doonaan biilasha biyaha, gaaska iyo korontada.
Wuxuu intaasi raacisey in dowladu dib ula laaban doonto dhamaan gawaarida raaxada ah ee la siiyay gollaha Wasiirada Isla markaana la xaraashi doono.
Ra’iisal wasaaraha Pakistan wuxuu dhanka kale sheegay in gabi ahaanba dowladu mamnuucday iibsashada baabuurta raaxada ilaa June 2024.
Wuxuu xusey in wafdi kasta oo Dalka dibadiisa u safraya laga mamnuucay iney shaqaalaha taageerada ahi raacaan Isla markaana aan loo ogoleyn iney ku dagaan Hotel 5 Star ah.
wuxuu sheegay in saraakiisha dowladda loo ogolaan doono oo kaliya iney kharashka dowlada isticmaalaan marka ay galayaan safaro lagama maarmaan ah, wixii intaas ka baxsana aan la damaanad qaadi doonin kharashkooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com