Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa beenisay in dowlada ay shirkad gaar ah u xil saartay dalku galka ama viisaha Kenya.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii warqad lagu baahiyey baraha bulshada oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda ay qeexeysay in shirkad gaar ah loo xiray bixinta fiisaha Kenya taasoo la yiraahdo Global Tour and Travel Services
Arrintan ayaa waxaa ka dhashay caro u baahsan oo ka timid qeybaha bulshada, waxaana cadaadis ka yimid Madaxtooyada Somalia ka dib caawa wasaaradu ay soo saartay qoraal kale oo ay ku beenineyso qoraalkeedii hore ee saxaafada loo soo dusiyey.
“Ma jirto heyad dowladda Soomaaliya ay ruqsad ku siisay codsiyada dal-ku-galka Kenya iyagoo matalaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, warqada lagu baahiyey baraha Bulshadana waa been abuur” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda soo saartay caawa.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay ka rajeynayso dowladda Kenya inay fuliso heshiiskii ku saabsanaa fududeynta isku socodka muwaadiniinta kaasoo ay wada saiixdeen 15-kii July, 2022 Soomaaliya iyo Kenya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA OO ENGLISH KU QORAN.