Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dagaal xooggan oo ka dhacay Deegaanka Dabagala iyo Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor oo gacan ka helayay ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Dabagala ee koonfurta gobolka Mudug.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kaddib markii ciidamada milatariga iyo kuwa daraawiishta GalmudugĀ  weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dabagala

Dagaal culus ayaana labada dhinac ku dhax maray deegaankaasi, waxaana wararka qaar ee la helayo sheegayaan in dagaalka ay daba socdeen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsanayay fariisimaha Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda hoggaaminayay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ay la galeen Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab ka saareen deegaankii ay weerareen ayna halkaasi kaga dileen xubno badan.

Koonfurta gobolka Mudug deegaanno dhaca waxaa ka socday maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ay wadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliis Dabin cajiib ah u dhigay kooxo burcad ahĀ (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi cusub magacaabay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

R/W kuxigeenka dalka oo Indhihiisa kusoo arkay Saameynta Fatahaadii Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---