Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga soo xulaya Ergada dooraneysa kursiga la isku heesto ee GSH # 086 oo la shaaciyay

Guddiga KMG ee dhamaystirka doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aad ee federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay liiska Guddiga Xulista Ergada ee kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086.

Doorashada kursigan horey loogu diiday Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa in 25ka bishan ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana doorashada kursigan laga soo wareejiyay magaalada Baledweyne oo horey deegaan doorashadiisa u aheyd.

Musharaxiinta u taagneed doorashada kursigan qaarkood ayaana horey uga hor yimid in doorashada kursigan lagu qabto Muqdisho, waxa ayna sheegeen in la tashi la’aan doorashada kursigan loo keenay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo Baaq cusub kasoo saartay Dagaalka ka socda dalka Itoobiya

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wasiir, Goodax, Maamulka G/Banaadir & dalladaha Waxbarashada?

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo la kulmay Dr. Peter Mathuki & wafdi la socday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---