Allbanaadir.com
NEWS

Faah faahino kasoo baxaya qarax khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax khasaaro geestay oo jugtiisa laga maqlay meelo badan ayaa xalay ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan la sheegay in uu ka dhacay goob ay joogeen askar katirsan ciidanka dowladda.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa la dhigay goob maqaayad ah ay fadhiyeen askar katirsan ciidanka dowladda oo kutaalla xaafada Kaawa Godey, waxaa sidoo kale goobtaasi ku sugnaa dad kale oo shacab ahaa.

Inta la xaqiijiyay qaraxa miino ayaa sababay askari katirsaa ciidanka dowladda oo goobta ku sugnaa, waxaa sidoo kale qaraxa miino ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo qaarkood xaaladooda laga deerinayo.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan ka dhacay degmada Dharkeenley, waxa ayna Al Shabaab shaaciyeen in qaraxan dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray askar katirsan ciidanka dowladda oo bar-tilmaameed u ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadal farsamo oo Turkiga uga socda Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Iran oo ka carootay sawir gacmeed lagu daabacay wargeys ka soo baxa Sacuudiga

Caydiid Ali

Dil galabta ka dhacay Goof Dalxiis loo tago oo kuyaala Degmada Dayniile

Cabdi Cade
Taboola Ads ---