Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse oo shaaciyey arin xasaasi ah oo laga fulinayo degaano laga saaray Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyay shir looga hadlayo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah al-shabaab ee dhinaca fikirka.

Talaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee in Al-shabaab lagala dagaallamo 3 jiho oo kala ah dhaqaalaha, fikirka iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gobolladda dalka.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey qaabkii Al-shabaab looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga la saarayo sidii wacyigalinta loo gaarsiin lahaa degaannada dhawaan laga xoreeyey oo barnaamijka xasillinta loogu dhinac wadi lahaa la dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka, isla markaana dadka looga wacyi galinayo fikirka khaldan ee ay kooxda al-shabaab dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo fariin kale u diray Madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha Carabta oo Mashaariic maalgeshi ka bilaabeysa Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa keenay in Macalimiinta ajnabiga ah laga saaro gobolka Soomaalida Kenya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---