Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Midowga Yurub kala hadlay taageerada Qorshaha Xasilinta (Sawirro)

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaamijyada horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan, gaar xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay.

Related posts

Farmaajo oo joojiyey howl burburin ah oo laga bilaabay dugsigii hoyga Xamar

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho?

Caydiid Ali

Mareykanka oo war kasoo saaray Duqeyn ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---