Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo sheegay in Somaliland Maalgaliso Al Shabaab raalina looga yahay

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaciyay in maamulka Somaliland uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay maal-galiyaan dagaalyahanada Al Shabaab .

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in uu hayo caddeymo ku filan oo ku aadan in maamulka Somaliland maal-geliyo kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in dowladda Ingiriiska ay arrintan ogtahay raalina uga tahay.

Waxa uu isweediiyay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas kooxda Al Shabaab sababta ay halis joogta ah ugu hayaan Soomaaliya inteeda kale, balse aysan dhibaato ku heyn maamulka Somaliland.

“Intii aan ahaa madaxweynaha Puntland waxaan aruuriyay xogta in Somaliland maal-galiso Al Shabaab,waxaan Adis ababa kula kulmay safiirka UK ee Itoobiya,waxaan ku iri, Somaliland waxa ay maalgelisaa Al-shabaab,caddeyntiina waan heynaa, waxaase uu igu yiri fadlan kor ha u dhihin, xitaa haddii ay jirto” ayuu yiri Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Al Shabaab iyo Somaliland yihiin mashruuc hal meel laga maal-galinayo oo loogu tala galay in qal qal aan dhammaan lagu galiyo xasiloonida Soomaaliya.

Hadalkan kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa imaanaya xilli maamulka Somaliland dhankooda marar badan ku eedeesay maamulka Puntland in ay taageerto Al Shabaab ayna qeyb ka yihiin xasilooni darrada ka jirta gobolka Sool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro Xanuun badan geestay ku qaaday magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo lagu eedeeyey iney Aqalka sare u adeegsatay faragelinta Galmudug

Caydiid Ali

Taliyaha Booliiska dowlada Soomaaliya oo ka hadlay xaalada guud ee amniga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---