Allbanaadir.com
NEWS

Feeryahanka Caanka ah ee loogu magac daray ninka birta oo qaatay Diinta Islaamka

Feeryahanka caanka ah ee u dhashay dalka Thailand ,Rodtang Jitmuangnon ayaa qaatay diinta Islaamka, waxaana feeryahankan in uu soo galo diinta Islaamka sababu noqotay gabar muslimad ah uu jeclaaday/

Rodtang Jitmuangnon oo ah horyaalka feerka Muay Thai ayaa qaatay diinta Islaamka kahor inta uusan guursan gacalisadiisa Muslimadda ah. Waxaana loo qabtay shahaadada ama kalmadda tawxiidka.

Halyeygan feerka halista ku ah ayaa loo yaqaan ninka birta ah ”the iron man”. Wuxuu markii hore soo noqday Buudis, laakiin kuma helin xasilooni iyo raaxo. Waxa uuna ugu dambeyntii qaatay diinta Islaamka.

Islaamku waa diinta ugu faafidda badan xilligan caalamka. Waxaana sannad kasta la rumeysan yahay inay kusoo biiraan bulshada Muslimka ah in ka badan 100,000 oo qof oo daafaha caalamka ku kala nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ing. Yariisow: “Hogaamiye kooxeed kasta oo hantida Qaranka boobay maalin baa sharciga la horkeenayaa (Daawo)

Caydiid Ali

Dibad caddaalad loogu raadinayay Hodan Xaashi oo ka dhacay dalka Canada

Cabdi Cade

Guddoomiyaha guddiga Xalinta Khilaafaadka oo kahor yimid Xildhibaannada lasoo xulay shaacana ka qaaday in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---