Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo War cusub kasoo saartay Dagaalka Laascaanood iyo dadka ku barakacay

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa muddo labo isbuuc ka badan ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamo taabacsan dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa sababay khasaaro badan oo isugu kira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo waliba dad shacab ah, waxaa sidoo kale dagaalka ku barakacay inta badan dadkii degnaa magaalada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka rayidka ah ee dagaalka ku barakacay u kala qaxeen gudaha Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah, waxaana dadka qaxay qaarkood la sheegay in xaalado adag xilligan heestaan.

War kasoo baxay hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa lagu sheegay in dadka ka qaxay Laascaanood ee ka gudbay xadka Itoobiya ku dhaw yihiin 80-kun oo qof ,kuwaa oo hadda ku sugan deegaanka Doole iyo deegaanno kale.

Dadka ka qaxay dagaalka Laascaanood ee gaaray dalka Itoobiya ayaa u badan dumar iyo carruur, waxaana dadkan hadda heesta xaalado adag oo dhinaca nolosha ah , kaddib markii guryahooda degdeg uga soo baxeen.

Qaramada Midoobay ayaana ka walaacsan dagaalka iyo duqeymaha wali kasii sopcda magaalada Laascaanood, waxaana dagaalka socda lagu qiyaasay in ay ku dhinteen dad ka badan 100-qopf oo shacab badan ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadaado Soomaaliyeed oo isku qoys ahaa oo lagu dhax laayay Masjid gudahiis

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe cadaadis ku saartay in uu joojiyo Shir Jaraa’id uu qaban lahaa

Cabdi Cade

Dad badan oo Salaad taraawiix ku dukanayay Masaajid oo la afduubtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---