Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe oo la kulmay Xoghayaha Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclearka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Xoghayaha  Fulinta Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (CTBTO) oo warbixin ka siiyay shaqada hay’adda.

Xoghayaha Fulinta ee Hay’adda Mudane Robert Floyd oo sharaxaad ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sida ay u socoto ku biirista hay’adda ee Soomaaliya iyo sida looga faaideysan karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey socdaalka xoghayaha hay’addan uu ku yimid Muqdisho, ka dib  kulankooda Vienna oo fariintiisana uu soo gaarsiiyey dalka, isagoo xusay in laga faaideysto shaqooyinka muhiim ah ay qabato hay’adda.

Heyadda CTBT waxay aasaas u tahay ka shaqeynta ololaha mamnuucida nukliyerka iyo waxyaabaha qarxa, iyadoo ka shaqeyneysa heshiiska taariikhiga ah ee ku saabsan mamnuucida faafitaanka samaynta hubka nukliyeerka, waxayna ka horjoogsataa saameynta caafimaad ee halista ah iyo deegaanka ee tijaabooyinka nukliyeerka.

 

 

Related posts

Burcad dadka shacabka Nafta u keenay oo lagu qabtay Degmada Dayniile

Cabdi Cade

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo Gaadiid Ciidan ku wareejisay Booliiska Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Shacabka Gaza oo si cajiib ah uga falceliyay Warqado ay daadiyeen ciidamada Israel

Cabdi Cade
Taboola Ads ---