Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada DF oo soo afjaray weerarkii ka socday dhisme ku yaalla Mirinaayo

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afjaray weerar qarax ku bilowday oo galabta kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ku galeen dhisme ku yaalla degmada C/casiis ee gobolka Banaadir kaasoo uu degenaa sarkaal ka tirsan ciidamada DF, waxaana sidoo kale dhismahaas lagu hayey dhaawacyo ka tirsanaa ciidanka macawisleyda ee Al-shabaab kula dagaalamay gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada warfaafinta Somalia ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen dad gaaraya 10 qof ayna ku dhaawacmeen tiro, Warka dowladu soo saartay makala cadeynin dadka dhintay waxa ay kala ahaayeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DOWLADA

WAR SAXAAFADEED

MOGADISHU, 21 February 2023:  Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.

Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.

Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjari lahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.

Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa

Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.

Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday.

Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.

Weerarkaan ay Khawaarijtu ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee Khawaarijtu ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Talaabada Khawaarijtu waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo Cadawga Khawaarijta ah.

Dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada Muwaadiniintii ay Khawaarijtu beegsatay ee Shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta shaawacyadu soo gaareen.

-Dhammad-

Related posts

Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ka geystay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo qabsatay degaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali

Sidee ku dhacday 16-askari oo kasoo lugeysay Kismaayo in ay tagaan Baraawe ? !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---