Ra’isul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sanadka soo socda ee 2018ka guuri doonaan garoonka kubada Cagta ee Stadium Muqdisho.
Garoonkan oo ah oo kan ugu weyn Somalia ee ciyaaraha kunada cagta ayaa muddo ka badan toban sano waxaa uu ahaa fariisin milateri oo ay isku bedeleen ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ka baxay sanadkii sanadkii 2009 iyo ciidanka AMISOM oo tan iyo xiligaas degan.
Kheyre ayaa sheegay in la gaaray xiligii la isticmaali lahaa garoonka Muqdisho Stadium ayna qorsheyneyaan sidii dayactir buuxa loogu sameyn lahaa marka ay ka guuraan ciidamada AMISOM sanadka soo socda.
“Mid ka mid ah qorshayaasha waaweyn ee dowladu higsaneyso ayaa waxaa u yahay in gacanta bahda Isboortiga Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo garoonka Kubada Cagta ee Stadium Muqdisho sanadka 2018”ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.
Hadalkan ayuu khayre ka jeediyey munasabad lagu sagootinayay xulka kubbada cagta Jubbaland oo ku guuleystey tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyey, waxaana hadalkiisa aad ugu riyaaqay bahda isboortiga Soomaaliyeed oo u hamuun qaba iney mar uun arkaan garoonka Stadium Muqdisho oo lagu ciyaarayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com