Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhamaaday DF iyo dowlad goboleedyada oo 16 qodob laga soo saaray (Akhriso)

Waxaa maanta caasimadda dalka ee Muqdisho ku soo idlaaday shir sannadeedkii 5aad ee Xeer Ilaalinta Qaranka oo ay kasoo qayb galeen xafiisyada Xeer Ilaalinta heer Federal iyo Dawlad Goboleed.

Shirka, oo intii uu socday, looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada xafiiska Xeer Ilaalinta iyo guud ahaan kan hay’adaha caddaalada, ayaa kusoo idlaaday miradhal iyo isfahan.

Waxaa shirka gebagebadiisii laga soo saaray War-murtiyeeda lagu xusay baahida loo qabo gaarsiinta adeegga caddaaladeed goobaha laga xoreeyey Alshabaab, la-dagaalanka maalgalinta argagixisada iyo lacag dhaqidda, iyo hormarinta nidaamka maareynta kiisaska  oo la rabo in loo guuro hannaanka danabaysan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa u mahadceliyey madaxdii kala duwan ee ka soo qayb gashay shirka oo ugu horreeyo xubnaha golayaasha dawladda, madax ka socota Xeer Ilaalinta heer Federal iyo D/Goboleed iyo aqoonyahannadii doorka weyn ka qaatay doodihii kala duwanaa intii uu shirku socday. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa ayuu yiri hawl-wadeennadii waqtiga badan galiyay diyaarinta barnaamijka shirka iyo daadihinta qabsoomiddiisa.

Related posts

Daawo Sawirada: Degmada Warsheekh oo yeelaneysa Golle Deegaan

Cabdi Cade

Halka uu marayo sahminta Shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Maxkamada G/Banaadir oo amartay xariga Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---