Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe oo Guddi u magacaabay go’doomin lagu sameeyey degaano ka tirsan Galgaduud

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Somalia ayaa magacaabay guddi ka soo talo bixiya warbixina ka keena go’doomin la sheegay in lagu hayo degaano ka tirsan bariga Galgaduud iyo Koonfurta Mudug oo weli ku hoos jira gacanta Al-shabaab.

Gudiggan oo ka kooban 11 xubnood oo ka soo jeeda degaanadaas ayaa marka ay soo dhameystiraan warbixintooda waxay dib ugu soo celin doonaan Golaha shacabka Somalia.

Waajibaadka guddigan ayaa waxaa ka mid ah iney warbixin ka keenaan xaalada amni iyo mida nololeed ee degaanada loo xilsaaray, waxayna talaabadan ku soo aadeysaa xili beryahan ay jirtay qeylo dhaan la xiriirta go’doomin dhinaca maciishada ah oo lagu hayo degaano ka tirsan bariga Galgaduud iyo Koonfurta Mudug taasoo saameysay shacabka degaanadaas ku dhaqan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAGACAABISTA GUDDUGA

Related posts

Shirkadda Somtel oo Gabar adeegto ah ku abaalmarisay Mooto Bajaaj (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Baarlamanka Soomaaliya oo u mahad celiyay Jan Amilcar Schmidt

Caydiid Ali

Qaybta 1 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin
Taboola Ads ---