Allbanaadir.com
NEWS

Weerar qarax ku bilowday oo lagu qaaday guri kuyaalla magaalada Muqdisho

Weerar qarax ku bilowday ayaa goordhaw lagu qaaday guri kuyaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir , waxaana dhismaha gurigaasi ka socda dagaal toos ah.

Sida aan wararka ku helnay dabley hubeesan ayaa gudaha u galay guriga sargaalkan katirsan milatariga, waxaana rasaas laga dhax maqlayaa dhismaha guriga ay galeen raga hubeesan.

Guriga weerarka lagu qaaday oo kuyaalla goob ammaankeeda la adkeeyay ayaa la sheegay in ay yaaleen dhaawacyada rag macawuusley ah oo kusoo dhaawacmay dagaalkii looga soo horjeeday Al Shabaab ee ka dhacay gobolka Hiiraan.

Ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray dhismaha weerarka lagu qaaday , waxa ayna ciidamada isku dayayaan in weerarka soo afjaraan.

Waxii warar ee soo kordha kala soco wararkaya dambe insha allah

Related posts

Sida Farmaajo & Qoorqoor ugu fashilmeen ka hortagga Golaha Badbaadada Galmudug

Caydiid Ali

Cumar Filish oo ka hadlay Qaraxii lagu dilay Eng Yariisow iyo halka ay ku dambeesay …

Cabdi Cade

Xiliga la qabanayo dooorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---