Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Baaq muhiim ah u diray Ganacsatada Soomaaliyeed (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadden horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqa in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijiyana la meelmariyey sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, gaar ahaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa la aasaasay sannadkii 2016.

Related posts

Dagaal Khasaaro geestay oo Muqdisho ka dhacay iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Qaraxyo basas loo adeegsaday oo xalay ka dhacay Tel Aviv (Sawirro)

Caydiid Ali

Villa Somalia oo dejisay qorshe cusub oo ka dhan ah Mucaaradka & Weerar ku wajahan..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---