Rasaas iyo qaraxyo ayaa caawa fiidnimadii laga maqlay nawaaxiga xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia oo ku taalla wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay xaga dambe ka soo weerareen xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ah meel si weyn loo ilaaliyo, iyagoo ka dibna ku riday xarunta rasaas iyo gantaalaha garabka laga rido ee Soomaalidu u taqaano baasuukaha.
Ciidamada dowlada ee ilaalada ka ah xarunta Wasaarada gaashaandhiga ayaa iyana ku jawaabay rasaas culus, waxaana labada dhinac dhexmaray iska horimaad muddo kooban socday.
Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay iney markii dambe goobta ka baxsadeen.
Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, waxaana haatan degan xaalada nawaaxiga xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.