Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afwerki oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya & ciidankii lagu soo tababaray dalkiisa

Madaxweynaha dalka Eretria Asias Afwerki ayaa Wareysi soconayay muddo dheer oo illaa 4 saacadood ah uu siiyay talefishinka qaranka dalkaasi kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo faragelinta shisheeyaha.

Ku dhawaad 30 daqiiqo oo wareysigaas ka mid ah wuxuu ugaga hadlayey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada iyo amniga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan loogu tiirsanaan Karin Ciidammo maleeshiyo ah oo uu ula jeedo ciidamada deegaanka ee dhawaan hubka qaatay si ay ula diriraan Al-Shabaab.

Waxaa uu ka hadlay faragalinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo iyo dib u dhiska ciidamada, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Soomaaliya waxaa looga baahanyahay inay dhisato hay’ado ay u madax bannaan tahay maadama ay tahay waddan xor ah, tan ugu horeysa waa in uu dalku isku dubba rido ciidamadiisa difaaca, ma aha in lagu tiirsanaado maleeshiyaad, waana in isticmaalka maleeshiyaadka laga saaro hannanka dib u dhiska ciidanka”.

“Si taa loo hirgeliyo waan in la helo dawlad Soomaaliyeed oo ku taagan cagaheeda isla markaana dejisa oo hubin karta istiraatijiyadda dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo difaaca dalka,” Ayuu sii raaciyey.

Isaga oo ka hadlaya baahida ciidamada difaaca ee Soomaaliya inta ay la egtahay ayaa waxa uu Afwerki sheegay in marka la eego baaxadda dhulka iyo badda ee Soomaaliya aanay ku filnayn shanta kun ee ciidanka ah ee ay dhawaan Eretria u taba bartay Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu faahfaahiyay sida ay Soomaaliya u dhisan karto ciidan qaran oo awood leh, isaga qudhiisuna uu diyaar u yahay in arrimahaas uu ka caawinayo Soomaaliya. Balse wuxuu ka digay in faraglin kasta oo shisheeye ay dib u dhac u keeni karto guusha ciidamada Soomaaliya.

Afwerki oo aaminsan in Soomaaliya ay qabto baahi ciidan oo baaxad leh ayaa sheegay in “ Soomaaliya ay baahan tahay ciidan ay gaar u leedahay oo tiro ahaan gaaraya 140 kun illaa 160 kun,”.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidankaas loo dhiso qaab ay ku ilaalin karan jiritaanka Soomaaliya iyaga oo aan ka amar qaadaneyn dad ajaaniib ah.

“Waa in loo dhisaa ciidankaasi qaab ay ku ilaalin karaan jiritaanka Soomaaliya, ma aha inay ka amar qaataan dad ajaaniib ah ama ay kasoo jeedaan maleeshiyaad ka kooban qabiillo kala duwan, ama in ay rumaysan yihiin afkaaro kala duwan, waa in ciidanka uu ahaado hay’ad u adeegta midnimada iyo horumarka Soomaaliya, yoolkaasina laguma gaarI karo adeegsiga maleeshiyaadka,” Ayuu yiri Asaias Afwerki , Madaxweynaha Eretria.

Afwerki oo ku sheegay waxa Soomaaliya curyaamiyey inay tahay faragelinta shisheeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in si loo fara galiyo Soomaaliya lagu marmarsiyoodo dhibaatada aragagixisada, taas oo uga sii darta xaaladda dalka. “Waxaa uga sii daraya xaaladda Soomaaliya faragelin kasta oo uga timaadda gacmaha shisheeye iyada oo lagu marmarsiyoonayo dhibaatada argagixisada ama Al-Shabaab,” Ayuu yiri Afwerki.

Hadalka madaxwenaha Eretria ayaa kusoo aadaya xilli dagaalka ciidamada dawladda Soomaaliya oo garab ka heliaya maleeshiyo beeleedyo la magac baxay macawisleyda ee ay kula jiraan ururka AL-Shabaab uu meel xasaasi ah marayo.

Madaxweynhii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Dalka Eretria la galay heshiis ciidammo loogu taba barayo. Ciidamadan oo dhameystirka tababarkoodu uu kusoo aaday xilli Soomaaliya ay ku jirtay ol’ole doorasho ayaa waxaa hadheeyay muran ku aaddan ciidamada oo ku saabsan eedaymo ay mucaaradkii xilligaas soo jeediyeen oo ahaa in ay ka qayb qaateen dagaalkii u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigreega.

Waxaa sidoo kale muran ku jiray danta laga lahaa ciidammadan oo dadka qaar ay ku tilmaameen in la doonayo in lagu boobo doorashadii xilligaas dhacaysay.

Balse eedaymahan ayaan cadeymahooda la helin iyadoo madaxweynihii hore ee Soomaaliya marka uu xilka ka dagayey uu ku wareejiyey faylasha ciidamadaas madaxweynaha hadda oo markaas la doortay.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa guushiisa ka dib booqday dalka Eretria iyo halka ay ku sugnaayeen ciidamadani.

Bishii Diseembar ee sannadkii tagay ayey dufcadii ugu horeysay ee ciidamadaasi dib ugu laabatay dalka Soomaaliya, wuxuuna wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab ee qeybo ka mid ah dalka ka socda.

Xigasho:BBC

Related posts

Midowga Afrika oo War-murtiyeed kasoo saaray khilaaf u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo goob Fagaare ah ku Toogatay Maxamed Cali Maxamed 

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo weerar dhimasho geystay ku qaaday Bus Nairobi ku sii jeeday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---