Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo xariga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in Golaha Xukuumaddu ay ka sugayaan Wasaaradda soo gudbinta siyaasadda qaran ee lagu badbaadinayo Xoolaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalkeennu uu ku jiro mid ka mid ah abaarihii ugu dabo-dheeraa gobolka, haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-deg ah oo lagu badbaadinayo xoolaha Soomaaliyeed ay sanadaha dhow dabar go’ayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay ahmiyadda xooluhu ay u leeyihiin nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, Xukuumadduna ay mudnaan siineyso sidii xal waara loogu sameyn lahaa dhibaatooyinka soo food saara xoolo-raacatada oo ay ugu horreeyaan dalag yarida iyo biyo la’aanta .

Munaasabadda xarig jarka Dhismaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya.

Related posts

(Sawirro) Ku dhowaad 80 qof oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Magaalada Sanca

Caydiid Ali

Madaxweyne Joe Biden oo laga helay cudur Halis ah iyo unugyo laga saaray

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo kulan Muhiim ah la qaatay Danjire Andreas von UexküII (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---