Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wiil uu dhalay Madaxweyne caan ah oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii..

Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa lagu xiray magaalada caasimadda ah ee Harare.

Waxaa lagu eedeeyay inuu si bareer ah waxyeello ugu geystay baabuur yaallay goob ay ka socotay xaflad, sida uu ku warramay wargeyska dowladda ee Herald oo ka soo baxa magaalada Harare.

Sida uu sheegay wargeyska Waxay u badan tahay in Robert Mugabe Junior lagu soo oogi doono dacwad ah inuu burburiyay hanti dadweyne.

Wiilka Mugabe iyo qareenkiisa kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto warar madaxbanaan oo xaqiijinayo arrintani.

Aabihiis Robert Mugabe oo ahaa keligii taliye muddo dheer xukunka heystay ayaa dhintay 6dii Sebtembar 2019 isagoo ah 95 sano jir. Wuxuu Zimbabawe maamulayay in ka badan 30 sano. Wuxuuna xilka qabtay ka dib xurriyaddii dalkaas.

Tartanka Kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo galabta furmay (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan ee kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Furitaankan tartankan oo ka dhacay garoonka Stadium Eng Yariisoow ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS, iyo boqolaal dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Muqdisho.

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanad kaste mar la qabtaa, kaasoo ay u soo daawasha tagaan kumanaan dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Gobolka.

Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Degmada Dharkeynley oo difaacaneysa koobkan ayaa tartankan lagu furay, kuwaasoo garoon Stadium Eng Yariisoow ku soo bandhigay ciyaar xiisa badan, waxana 3-0 ku adkaaday Dharkeynley.

Related posts

Qatar oo dowlada Somalia ku wareejisay doonyo, cagafyo iyo gaadiid (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo Jawaab dadban ka bixisay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Museveni

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Sheekh Shaakir oo kulan xasaasi ah leh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---