Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cilad bixin lagu bilaabay nalalka cadceeda ku shaqeeya ee Jidadka Muqdisho (Daawo Sawirro)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa caawa bilaabay howlo lagu dayactirayo nalalka cadceeda ku shaqeeya ee laga hirgeliyey inta badan jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii maalin ka hor ay shabakadan allbanaadir.com baahisay war ku saabsan qaar ka mid ah nalalka cadceeda ku shaqeeya oo damay sababo la xiriira dayactir la’aan soo wajahday, taasoo keentay in wadooyinka magaalada qaarkood ay habeen mugdi noqdaan.

Injineero ka socda maamulka gobolka Banaadir oo watay gaadiid iyo qalab kale  ayaa caawa ka bilaabay jidadka magaalada qaarkood iney cilad bixiyaan nalalka dansanaa.

Nalalka cadceeda ku shaqeeya ee laga hirgeliyey jidadka Muqdisho ayaa waxaa ku deeqay dowladaha Turkiga iyo Norwey, waxaana dayactirkooda u xilsaaran shaqaale ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo horey loogu tababaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo saddex arrimood kala hadlay Einar Rystad

Cabdi Cade

Liiska Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo la diyaariyay

Cabdi Cade

Digniinta DF soo saartay maxay ka bedeli kartaa dilalka ciidamadu u geystaan shacabka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---