Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo bandow ku soo rogtay degmo dhowaan laga saaray Al-Shabaab

Ciidamada Dowlada Somalia ayaa bandow ka bilaabanaya maqribkii illaa salaadda subax ku soo rogay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Xarardheere ayaa ka mid ah degaano iyo degmooyin dhowaan dagaal looga saaray kooxda Al-shabaab oo muddo dheer xukumeysay

Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in sababta bandowga loogu soo rogay Xarardheere ay tahay sidii looga hortagi lahaa fallal amni darro oo ka yimaada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in su’aallo la waydiin doono cid kasta oo magaalada soo gasha xiliyada socodka la ogolyahay.

Waxaa uu sheegay in shacabka degmada ay la shaqeynayaan ciidamada amaanka, iyagoo  u furmuuqa ayuu yiri shaqsiyaadka gacan saarka la lahaa Al-shabaabkii magaalada laga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano iska casilay Xisbiyada ay kala hogaamiyaan Madaxdii hore ee DF (Akhriso)

Caydiid Ali

Guddoomiyeyaal degmo oo xilalka laga qaaday ka dib wareegto soo baxday

Caydiid Ali

Shacab lagu laayey duqeyn ka dhacday Magaalada Hodeida (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---