Allbanaadir.com
NEWS

Bandhigga warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed oo la Daah-furay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed, taas oo ay soo saartay Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo taageero ka helaysa Baanka Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in guul wayn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in maanta la helo tirakoob sax ah oo lagu jaangoyn karo miisaaniyadda qoys walba oo Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa sheegay in warbixintani innaga dabooli doonto wax kasta oo aan uga baahannahay inaan ka ogaanno daryeelka dadkeenna, iyo helitaankooda adeegyada aasaasiga ah sida,waxbarashada, caafimaadka, tamarta, biyaha, faya-dhowrka, lahaanshaha dhulka iyo dhaq-dhaqaaqooda dhaqaale.

Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo hoostagta Wasaaradda Qorshaynta, Maalagashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa markii ugu horreysey muddo 38 sano ah soo bandhigtay warbixinta sahanka miisaaniyadda qoyska Soomaaliyeed oo ah tiro koob lagu samayeeyo haynta iyo karaanka bulshada, taasi oo wax wayn ka tari doonta in dhab loo ogaado baahiyaha dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasabada waxa ka soo qayb galay Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Wasiiradda Dowlad Gobaleedyada, Wakiillo ka socday Bangiga Adduunka, Hay’adaha Horumarinta iyo Masuuliyiin kale.

Related posts

Duqa Muqdisho oo Degmooyin ka sameeyay Kormeer Amni xaqiijin ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Donald Trump oo hanjabaadii ugu cusleyd hawada u mariyay Iran

Cabdi Cade

Xubno ka soo goostay Al-shabaab oo iska dhiibay Koonfur Galbeed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali