Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya oo hogaan cusub doortay

Golaha dhexe ee Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa gudoomiye cusub u doortay Axmed Shidde oo ah Wasiirka Isgaarsiinta ee Itoobiya.

Axmed Shidde ayaa lagu doortay kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa, wuxuuna xilka ka bedelayaa Madaxweynihii dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaasi horey u hayey.

Magacaabistan ayaa soo afjareysa saameynta uu ku leeyahay siyaasada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Xaalad degenaansho ah ayaa laga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga, maadaama la xaliyay waxyaabihii sababay khalalaasaha ee todobaadkii tagay ka  dhacay.

Waxaa lagu wadaa in Axmed Shide uu uu sidoo kalr noqon doono Madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya, waana nin ku dhow raisul wasaare Abiy Ahmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askartii AMISOM looga dhaawacay dagaalkii Balcad oo la keenay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo war kulul ka soo saaray weerarkii ka dhacay Xeebta Liiso

Caydiid Ali

Xaliimo Yarey oo maanta hortageysa Baarlamaanka iyo waxyaabaha laga filan karo in ay shaaciso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---