Allbanaadir.com
NEWS

Dad xaflad aroos kasoo laabtay oo ku dhammaaday Shil gaari oo dhacay

Shil gaari bas ah oo dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacay degmadda Kallar Kahar oo ka tirsan gobalka Punjab ee dalka Pakistan, waxaana shilkan dadka waxyeelada kasoo gaartay kasoo laabteen xaflad aroos.

Gaariga baska ah oo ay saarnaayeen rakaabka ka yimid magaalada Islamabad ee caasimadda Pakistan ayaa la sheegay in uu ku dhacay Waadi ku yaalla degmadda Kallar Kahar, waxaana dadkii baska saarnaa noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Inta la xaqiijiyay 14-qof ay ku jiraan carruur iyo haween ayaa ku geeriyooday shilka, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 65 qof, dadka dhaawacyada qaba qaarkood ayaa la sheegay in xaalad adag ku jiraan.

Dadkan ay waxyeelada kasoo gaartay shilka gaariga baska ah ayaa la sheegay in ay kasoo laabteen xaflad aroos ay kaga soo qeybgaleen magaalada Islamabad, waxa ayna kusii jeedeen deegaannadii ay ka yimaadeen.

Taliye-xigeenka Boliska magaalladda Chakawal, Quratul-Cayn waxay sheegtay in gaariga baska oo xowli ku socday uu soo galay goolad uuna dareewalkii fariin ka waayey , waxa uuna xusay in baska uu kusii dhacay labo gaari kahor inta uusan laamiga ka bixin.

Ra’isul wasaaraha Pakistan, Shebhaz Shariif iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay shilkan gaari, waxa ayna caafimaad degdeg ah u rajeeyeen dadka ku dhaawacmay shilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo Shaacisay tirada Lacag ay siineyso Falastiin

Cabdi Cade

Madaale oo talooyin siiyay guddiga KMG ee ee loo xil saaray xeerka Doorashooyinka

Cabdi Cade

Rajo nuucee ah ayuu Baarlamanka UK galiyay Shacabka Somaliland & aqoonsiga ay raadinayaan !!

admin
Taboola Ads ---