Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka Dowladda oo Nolosha ku qabtay xubno katirsan Al Shabaab iyo Gaari ay wateen (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa daraawiishta maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo gaari nuuca loo yaqaan Layla Calaawi oo ay wateen.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka dowladda oo helay xogta ragan katirsanaa Al Shabaab iyo gaariga ay wateen ayaa ku qabtay meel u dhaxeysa deegaannada Xinlabi iyo Baraag-ciise ee koonfurta gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka howlgalka fuliyay hoggaamineysay ayaa sheegay in raga ay qabteen oo gaarayay shan xubnood ay Al Shabaab u qaabilsanaayeen dhinaca maaliyadda, sidoo kale xilliga la qabanayay ragan wateen raashin la sheegay in dad shacab ah kasoo qaateen.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa cunaqabateyn adag saaray deegaannada iyo degmooyinka Al Shabaab ka joogaan Galmudug, waxa ayna ciidamada joojiyeen gaadiidkii raashinka iyo daawooyinka geyn jiray deegaannadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Goob uu salaada Ciida ku tukanayey Madaxweyne caan ah oo la duqeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ahlusunna oo ka hadashay dagaalka ay ku soo qaadeen Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Dugsiga Fatxul Khayr oo Bushaaro Muhiim ah u haya Qurbo Joogta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---