Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Axadii sheegay in uu aad uga xun yahay burburka dhulgariirkii todobaadkii hore ka dhacay dalka Turkiga.
Antony Blinken oo booqasho ku tagay gobolka uu dhulgariirku ku dhuftay ee Turkiga ayaa yiri: “Aad baan uga xumahay in aan indhahayga ku aragno burburka dhulgariirkii ka dhacay Turkiga. Maraykanka waxa ka go’an in aanu samayno wax kasta oo aan awoodno si aan gacan uga geysanno samatabbixinta, gargaarka, iyo dadaallada soo kabashada.” Wasiirka arrimaha dibeda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay.
Blinken oo ka mid ah booqashadiisa laba maalmood qaadatay ee uu ku joogay dalka Turkiga oo horaantii bishan ay ku dhufteen dhulgariir mataano ah, ayaa waxa uu  gaaray Saldhiga Ciidamada Cirka ee Incirlik ee Magaalada Adana, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.
Cavusoglu, ayaa dhankiisa, waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay: “Kahor kulankeena rasmiga ah ee berri, waxaan booqanay goobaha dhulgariirka ee Blinken, oo booqasho midnimo ku jooga Turkiga.”
Iyagoo saaran dayuurad helicopter ah, labada masuul ayaa dulmaray gobolka uu dhulgariirku ku dhuftay.
Blinken ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qorshaha Washington ee $100 milyan oo dheeri ah si loogu bixiyo gargaarka nafo-badbaadinta ee Turkiga iyo Suuriya iyada oo loo marayo Xafiiska Dadweynaha, Qaxootiga, iyo Socdaalka, xafiiska bini’aadantinimada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID).
“Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa garab istaagga dadka Turkiga iyo Suuriya,” ayuu yiri.
Isagoo ka jawaabaya labadii dhulgariir ee dhimashada badnaa, Mareykanku wuxuu kaga jawaabay $185 milyan oo gargaar bini’aadanimo ilaa maanta, ayuu yiri Blinken, isagoo intaas ku daray in ganacsiyada Mareykanka, bulshooyinka, iyo shakhsiyaadka ay sidoo kale si deeqsinimo leh u caawinayaan labada waddan.
Ugu yaraan 40,689 qof ayaa ku dhintay laba dhulgariir oo xoog badan oo ku dhuftay koonfurta Turkiga 6-dii Febraayo, sida lagu sheegay tirooyinka ugu dambeeyay.
Dhulgariirrada cabirrada 7.7-iyo 7.6-magnitude, oo xuddun u ahaa gobolka Kahramanmaras, ayaa saameeyay in ka badan 13 milyan oo qof oo ku kala nool 11 gobol, oo ay ku jiraan Adana, Adiyaman, Diyarbakir, Gaziantep, Hatay, Kilis, Malatya, Osmaniye, Elazig iyo Sanliurfa.
Dhowr waddan oo gobolka ah oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan ayaa sidoo kale laga dareemay gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay Turkiga wax ka yar 10 saacadood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com