Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska G/Banaadir oo soo badhigay askari galabta toogtay qof shacab ah (Sawirro)

Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Xamarweyne ayaa soo xiray dable Aadan Cabdi Xasan oo ah askari ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan ciidanka xoogga oo galabta dhaawac u geysatay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa darawalada gaadiidka Dadweynaha ee caasiga.

Askarigan oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Xasan ayaa ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan ciidanka xoogga dalka ee lagu soo tababaray dalka Eritreya dhowaana dalka lagu soo celiyey.

“Dhaawaca uu u geysatay Muwaadinka Soomaaliyed ayaa yimid kadib markii uu muran dhex maray isaga iyo Darawalka, waxaana haatan laga soo xiray Saldhigga Degmada, waxaana la hor geenayaa sharciga” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.

Qoraalka Booliska laguma soo hadal qaadin askar kale oo galabta nawaaxiga isgoyska Baar ubax dil ugu geystay wiil arday ahaa oo la socday mooto bajaaj ka dib markii ay fureen rasaas jid furasho ah wadada oo jaam aheyd awgeed, welina gacanta laguma dhigin askarta geysatay falkaas dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Kabore oo xabsiga loo taxaabay iyo xaalad adag oo ka taagan dalka..

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray xarumaha heyaddaha Garsoorka dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Xero Nacnac iyo askar badan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---