Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayax gacmeedka ciladoobay ee The Progress MS-2 oo ku dhacay Badweynta Pacific (Sawirro)

Hay’adda Dowladda Raashiya ugu qaabilsan Duullimaadyada Dayax-Gacmeedyada Hawada Sare ee loo yaqaano ROSCOSMOS ayaa sheegtay in Qeybo aan ololin oo ka mid ah Dayax-Gacmeed laga lahaa dalkaasi oo Hawada Sare loo diray inuu ku hoobtay oo uu quusay Badweynta Pacific Ocean.

Dayax-Gacmeedka oo lagu magacaabo The Progress MS-21 waxa uu shalay oo Sabti ahayd ku degi waayey Saldhiga Caalamiga ee Hawada Sare (The International Space Station), iyadoo uu soo galay Hawada nagu hareeraysan, kadibna isagoo aan ololin, balse burburay ku hoobtay qeybta Go’doonsan ee aysan Maraakiibta marin ee Badweynta Pacific Ocean (sunk in the non-navigable section of the Pacific Ocean).

Engineerada Hay’adda Raashiya ee Hawada Sare  (ROSCOSMOS) waxay sheegeen inay cillad ka jirtay qeybta Qaboojiyaha ee Dayax-Gacmeedka The Progress MS-21, taasi oo ugu dambayntii keentay in la go’doomiyo qeybaha aan ololin, kuna soo hoobtaan Badweynta Pacific Ocean.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal khasaare geystay oo caawa ka dhacay duleedka Jowhar & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Taliska Danab ee Puntland oo shaaciyey iney burburtay xabad joojintii Garowe

Caydiid Ali

Nin lagu eedeeyay in uu gubay Aayado Qur’aan oo si arxan daro ah loo dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---