Magaaladda Alduqam ee dalka Saldanada Cummaan waxaa saaka ka dhacay Dhul-gariir halbeegiisu ahaa 4.1 Richter Scale.
Xarunta La-socodka Dhaqdhaqaaqa Dhul-gariirada ee dalkaasi ayaa sheegtay inuu Dhul-gariirkaasi dhacay abaarihii 7:55 daqiiqo ee Xilliga dalkaasi.
Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Wakaallada Wararka ee Oman News Agency ayaa lagu sheegay in Xarunta La- socodka Dhul-gariirka ee Jaamacadda Suldaan Qabus xaqiijisay inuu Dhul-gariir saaka ka dhacay Gobalka Alxaqaf, kaasoo Halbeegiisu ahaa 4.1 Richter Scale oo xudduntiisu ahayd 16.3 KM.
Dhanka kale, Boliska Saldanada Cummaan waxay iyaguna sheegeen inay Xaruumaha Hawlgallada ee Boliska soo gaareen Wicitaanada qaar ka mid ah Muwaadiniintooda (Omani citizens), oo ay ku sheegeen inay dareemayaan Dhul-gariir ruxunkiisa Sahlan yahay .
Boliska waxay kaloo tilmaameen inaysan weli helin wax war ah oo ku aadan dhaawacyo ama burbur uu geystay Dhul-gariirkii saakao ka dhacay magaalladda Dekedda leh ee Alduqam oo ku taalla Bartamaha-dhexe ee dalkaasi.
Nuradin Ahmed Dini
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com