Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Antony Blinken oo ku wajahan goobaha dhulgariirku ku dhuftay ee dalka Turkiga

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa booqasho labo maalmood ah ku tagi doona dalka Turkiga oo horaantii bishan ay ku dhufteen dhulgariir mataano ah.

 

Antony Blinken ayaa booqan doona Turkiga 19-ka ilaa 20-ka Febraayo si uu u muujiyo midnimo una gudbiyo tacsida ka dib musiibadii ka dhalatay dhulgariirkii mataanaha ahaa ee koonfurta Turkiga, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Blinken ayaa booqan doonta gobolka uu dhul-gariirku ka dhacay, halkaasoo ay sidoo kale ka socdaan howlaha gargaarka ee Mareykanka, ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa kale oo uu kulan laba geesood ah la qaadan doonaa wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ku kulmi doona caasimadda Ankara Isniinta, ayay raacisay.

Ugu yaraan 40,642 qof ayaa ku dhintay laba dhulgariir oo xoog badan oo ku dhuftay koonfurta Turkiga 6-dii Febraayo, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee ugu dambeeyay.

Cabirka dhulgariirrada 7.7 iyo 7.6, oo xuddun u ahaa gobolka Kahramanmaras, ayaa saameeyay in ka badan 13 milyan oo qof oo ku kala nool 11 gobol, oo ay ku jiraan Adana, Adiyaman, Diyarbakir, Gaziantep, Hatay, Kilis, Malatya, Osmaniye, Elazig iyo Sanliurfa.

Related posts

Milatariga Dowlada Itoobiya oo Eedeymo culus u jeediday Tedros Adhanom

Cabdi Cade

Dayuurado duqeeyey degaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Ciidanka Gorgor oo howlgal sifeyn ah ka wada degmada Ruun-nirgood iyo duleedkeeda(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---