Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye ka tirsan ciidanka Xooga dalka oo lagu dilay qarax loogu xiray sariirtiisa

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda Xoogga dalka ee ku sugan degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo ayaa la sheegay nin lagu dilay qarax miino.

Dhamme Maxamed Aweys ayaa ahaa taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka, waxaana qaraxan masuuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

Sarkaalkan ayaa saaxiib dhow la ahaa taliyihii NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke oo sanadkii hore qarax lagu dilay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalkan qaraxa Miino ee lagu dilay loogu xiray sariirtii uu ku jiifay oo taalay xero ay baneeyeen ciidamadda Gorgor oo sarkaalkan la dilay uu ka ahaa taliye.

Xeradan ayaa amaankeeda aad loo ilaaliyaa iyadoo shacabka aan loo ogoleyn iney u dhawaadaan, dad badan ayaana isweydiinaya sida ay suuragal ku noqotay in xero sidaas loo ilaaliyo la geliyo qarax, laguna dilo taliyihii xukumayey.

Maamulka degmada Belad-xaawo iyo saraakiisha amaanka ayaa sheegay iney baarayaan qaraxan iyo sida miinada lagu dilay taliyaha xeradan.

Related posts

Safaaradda Somalia ee Sudan oo beenisay muuqaal dhaqan xumo ah oo la faafiyey

Caydiid Ali

Qarax lagu dilay Injineero oo ka dhacay dalka Kenya iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan aflaamta Hindiga oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---