Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo Addis ababa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira kulamo uu la yeelanayo madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa ayaa kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Kulamadan ayey Madaxweyneyaashu ku dul istaageen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda iyagoo isla meel dhigay in la iska kaashado citirka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka Ethopia mudane Abey Ahmed oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, iyaga oo isla meel dhigay dardar galinta howlgalada lagu ciribtirayo al-shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale  kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ay wadaagaan labada dal.

Related posts

(Sawirro) Meydadka xubno ka tirsanaa Al-shabaab & Maxaabiis lagu soo bandhigay..

Caydiid Ali

Wasiir Beyle oo shaaciyey War wanaagsan oo ku saabsan deymaha Somalia lagu leeyahay

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Falastiin kana hadashay weerarada Isreal

Cabdi Cade