Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo si weyn uga carootay tallaabo uu qaaday Midowga Afrika (Sawirro)

Haweeney Diblamaasi Israa’iili ah oo lagu magacaabo Sharon Bar-li ayaa laga saaray shirka madaxda Midowga Afrika ee ka furmat maanta magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya

Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa ayaa ku dhex wareegaya internetka gaar ahaan baraha bulshada.

Wargeyska Times of Israel oo soo xiganaya afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil, ayaa ku eedeeyay Koonfur Afrika iyo Aljeeriya inay mas’uul ka yihiin dhacdadan.

Muuqaalkan ayaa u muuqda mid muujinaya ilaalo ku soo wajahan wafdiga Israa’iil, xilli ay xafladda furitaanka ay socotay.

Waxaa jirtay dood dhex martay kooxdii ilaalada ahayd iyo Bar-Li, oo ah ku xigeenka aggaasimaha guud ee Israa’iil ee dhanka Afrika, ka dibna waxaa goobtii ka saaray nin ilaalo ah.

“Israa’iil waxay si dhab ah isha ugu haysaa dhacdadii ku-xigeenkii Afrika, Ambassador Sharon Bar-Li, loogaga saaray hoolka Midowga Afrika, inkastoo ay ahayd goob-jooge la aqoonsan yahay oo leh maqaan wanaagsan,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Lior Hayat, ayaa waxaa kasoo xigtay wargeyska Times of Israel.

“Waa wax laga xumaado in la arko in Midowga Afrika ay afduubteen dalal yar oo xag-jir ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, oo ay dabada ka riixayso nacayb ayna maamusho Iran,” ayuu yiri Hayat.

“Waa inay caddeeyaan sheegashadooda,” sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay madaxweynaha Koonfur Afrika, oo ay soo xiganayso wakaaladda wararka ee AFP.

 

 

Related posts

Maxkamada G/Banaadir oo deysay qaar kamid ah dadkii loo heestay Dilkii Xamdi iyo Ehelada Gabadha oo…

Cabdi Cade

Masiibo kale oo ku habsatay dekeda Beirut ee dhowaan qaraxa ku burburtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal goordhaw ka bilowday magaalada Kismaayo iyo xog ku aadan cida uu u dhaxeeyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---