Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhulgariir weyn oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco Istanbul iyo digniin laga soo saaray

Sida ay ku warrantay Jariirada Hurriyet ee ka soo baxda dalka Turkiga, dhul gariir aad u xooggan ayaa laga cabsi qabaa in uu ka dhaco magaalada Istanbul ee caasimadda Ganacsiga Turkiga.

Dhul gariirkan oo qiyaasta derajadiisa lagu sheegay 7.5 ayay Jariidadu xustay inuu noqon karo mid ka khasaare iyo dhimasho badan kii dhawaan ka dhacay Koonfurta dalkaas.

Jariirada oo soo xigatay khubaro dhinaca dhulka ah ayaa sheegtay inuu dhul gariirkani sababi karo dhimashada 200 kun oo qof.

Wargeyska ayaa sheegay in 95% dhul gariirkan la filan karo saacad walba.

Istanbul oo ah magaalada ugu weyn Turkiga ayaa waxaa si rasmi ah u deggan 16 milyan oo qof.

Dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.6 oo xuddun u ahaa duleedka bari ee magaalada ayaa dilay in ka badan 17,000 oo qof sanadkii 1999. Tirada dadka reer Istanbul ayaa qiyaas ahaan laban laabmay tan iyo markaas.

Ku dhowaad 40 kun oo qof ayaa ku dhintay dhulgariir  12 cisho ka hor ka dhacay Koonfurta dalka Turkiga iyo qeybo ka mid ah qeybo ka mid woqooyiga Siiriya.

 

Related posts

Maxaa xiligaan keenay in dowlada Itobiya ay ciidan iyo hub soo geliso Soomaaliya!!

admin

Guddoomiye Dhabancad oo diiday talo loo jeediyey & Ismari waa ka taagan doorashada

Caydiid Ali

Daawo:- Khayre oo wada qorshe ka dhan ah Villa Somalia & DF oo go’aan cad qaadatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---