Kim Jong-un oo ah Hoggaamiyaha dalka Kuuryada Waqooyi ayaa shalay ka qeyb galay Tartan K/Cagta iyo Xarig-jiid lagu maamusayey dhalashadii Aabihiisa Kim Jong-il.
Wakaallada Wararka dalkaasi ee (Korean Central News Agency (KCNA) ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay inay Hoggaamiye Kim Jong-un iyo gabadhiisa loo yaqaano Ju-ae oo la rumeysan yahay inay 10 jir tahay waxay shalay si wadajir ah u daawadeen ciyaar dhex martay Saraakiisha Golaha Wasiirada iyo Koox ka socotay Wasaaradda Difaaca.
Ciyaartaasi waxaa 3 gool iyo 1 gool ku baahisay Kooxda ka socotay Wasaaradda Difaaca.
Labada Kooxood waxay kaloo ku tartameen Tartan Xarig-jiid ah.
Si kastaba, waa markii 6-aad ee ay Gabadha Hoggaamiyaha Kuuryada Waqooyi lagu arko meel Fagaare ah, waana markii u horeysay ee ay Aabaheeda kala soo muuqatay dhacdi aan Milliteri ahayn (a non-military event).
Warbaahinta Kuuryada Waqooyi waxay soo bandhigtay Sawirada Kim Jong-un iyo gabadhiisa oo daawanaya ciyaarta.
Hoggaamiyaha walaashiisa oo lagu magacaabo Kim Yo-Jong ayaa ka soo muuqatay Sawirada Ka-qeybgalayaasha Ciyaarta, inkastoo ay fadhiday Safka ka dambeeyey Hoggaamiyaha Kuuryada Waqooyi.
Sidoo kale, waxaa Sawirada ka muuqday Saraakiil Sarsare oo ay ka mid yihiin Ra’isul-wasaare Kim Tok-hun iyo Jo Yong-won oo ah Xoghayaha Arrimaha Abaabulka ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shaqaalaha ee haya Talada dalkaasi.
Qalinka: Ustaad Nuradin
Xigasho: Korean Central News Agency (KCNA)