Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada golaha Shacabka oo meelmariyay labo sharci oo muhiim ah oo loo soo gudbiyay

Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ayaa meelmariyay labo hindise sharciyadeed oo ay u gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka waxaa maanta xaadiray 150 mudane, waxaana xildhibaanada markii kulankooda furmay cod u qaadeen labo hindise sharciyeed oo horey xildhibaanada doodo uga yeesheen.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay hindise sharciyeedka nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa, waxaana ansixiyay 148 mudane halka laba Xildhibaan ay ka aamuseen.

Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Xildhibaannada dhowr jeer ka doodeen, waxaana ansixiyay 149 Xildhibaan, waxaana ka aamusay hal xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday.

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa sidoo kale oggolaaday in mushaarkooda bishan %20 looga jaro caawinaada walaalaha Turkiga ee dhubaatada kasoo gaartay dhul-gariirkii dhawwaan ku dhuftay dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo aqoonsi degmo siiyey degaan ka tirsan Hirshabelle (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Aqalka Koongareeska Maraykanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---