Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Ciyaaryahan Caan ah oo ku dhintay Dhul-gariirkii Turkiga oo la helay

Waxaa burburka dhismihii uu degnaa laga soo saaray meydka xiddigii hore ee kooxaha Chelsea, Everton, Bournemouth iyo Newcastle United ee Christian Atsu, haddana katirsanaa kooxda reer Turki eeĀ  Hatayspor .

Xiddigan u dhashay dalka Chana ayaa la weesnaa maalmo badan oo nolol iyo geeri lagu raadinayay, waxaana ugu dambeyn wakiilka xiddigan uu xaqiijiyay in ciyaaryahan Atsu geeriyooday lana soo helay meydkiisa.

“Waa sida ugu cuslayd ee qalbiyada ay tahay inaan ugu bishaareeyo dhammaan dadka wanaaga jecel, in si murugo leh meydka Christian Atsu la helay saaka. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskiisa iyo eheladiisa, waxaan jeclaan lahaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan qof walba uga mahad celiyo ducada iyo taageerada.” Ayuu yiri wakiilka ciyaaryahanka geeriyooday.

Ciyaaryahankan meydkiisa la helay ayaa saacado kahor inta uusan dhul-gariirka dhicin kooxdiisa Hatayspor laad xor ah u dhaliyay , goolkaasi uu u dhaliyay ayaana kooxdiisa u horseeday in ay guul ka gaarto ciyaartaasi oo kusoo dhammaaday hal iyo eber.

Dhul-gariirka ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Syria ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 40-kun oo qof, waxaana wali socda baadigoob loogu jiro meydadka dad wali ku hoos jira burburka dhismayaasha hoostooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Mareykanka oo ka hadlay Markab ay Gantaal ku weerareen Xuutiyiinta

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo War kulul ka soo saartay weerarkii hotel Villa Reys ka dhacay

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo walaac ka muujiyey qadiyadda Jareer Weyne & kiiska Jen. Sheegow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---