Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciddamo Maraykan iyo Maleeshiyada Syrian Democratic Forces (SDF) ee Maraykanka Taageero ayaa la sheegay in lagu dilay Hoggaamiye Sare oo lagu magacaabo Xama Al-Hosi oo ka tirsan Kooxda Daacish (ISIS)
Qoraal galabta oo Jimco ah ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dhexe ee Maraykanka (The US Central Command) ayaa lagu xaqiijiyey in Hamza Al-Hosi xalay lagu dilay Hawlgal ka dhacay W/bari ee dalka Syria.
Qoraalka waxaa lagu xusay in la dilay, xilli uu hawlgal Helicopter oo ay ka qeyb galeen Ciiddamo Isku-dhaf Maraykanka iyo Syria ah qaadeen xilli dambe habeenkuu (Khamiis, February 16).
Dhanka kale, 4 Askar Maraykan ah iyo Eey tababaran ayaa ku dhaawacmay Qarax aan la shaacinin waxa sababay.
Askarta iyo Eeyga dhaawacmay waxaa dhamaantooda lagu daaweynayaa Isbitaal gaar ah oo ku yaalla dalka Iraq.
Toddobaad ka hor, Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish oo lagu magacaabi jirey Ibrahim Al-Qaxtani ayaa lagu dilay Hawlgal ay qaadeen Ciiddan Maraykan iyo Maleeshiyada Maraykanka Taageero ee Syrian Democratic Forces (SDF).