Maamulka Milliteriga ee Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv ayaa sheegay inay toogteen 6 Buufimaha Basaaska ee Raashiya (Six Russian ballons), kuwaasi oo dul heehaabayey Caasimadda maalintii Arbacada ee la soo dhaafay.
Afhayeenka Ciiddanka Cirka ee Ukraine, Yuriy Ilhanat ayaa sheegay in Buufimo noocaasi ah lagu arkay Axadii la soo dhaafay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Yuriy Ihnat waxa uu tilmaamay in Balloonadaasi lahaayeen Biro saddex Geesood ah, iyadoo Raadaarada Ukraine muujiyeen inay Buufinada yihiin Gantaal ku soo wajahan ama Diyaarad Daroon.
“Raashiya waxay doonayaan inay Ukraine rasaasta ku khasaariyaan Buufinadaasi oo aan wax kharaj ah ugu fadhinin” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Telefishinka Qaranka Ukraine.
Xeeldheerayaasha Milliteriga ayaa sheegay in Gantaallada Lidka Diyaaradaha ay dalalka Reer Galbeedka siiyeen Ukraine uu Halkii xabo waxa uu qiimahiisu ka badnaan karaa 4 milyan oo Dollar (each western-supplied air defense missile can cost as much as $4 million).
Khubarada waxay kaloo xuseen in Raashiya laga yaabo inay gabaabsi ku sii yihiin Gantaalada iyo Diyaaradaha Darooniska ee ay ku duqeeyaan dalka Ukraine.
Maamulka Milliteriga ee Caasimadda Ukraine ee Kyiv waxay shaaciyeen in Ballooniska Raashiya ee la soo riday ku rakiban yihiin Qalabka wax duuba oo ah Teknoolajiyada aysan Raashiya horey u isticmaalin, ka hor dalka Syria.
Warbaahinta Ukraine waxay tilmaameen in Ballooniska Raashiya la mid yihiin Buufinka Basaaska Shiinaha ee bilowgii bishan ay Milliteriga Maraykanka ku soo rideen Waqooyiga America.
Si kastaba, Milliteriga Raashiya weli kama aysan hadlin Ballooniska lagu soo riday gudaha dalka Ukraine.
W/Q Ustaad Nuuradin Abukar
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com