Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay isbeddelo ku sameyn doonto adeegga caafimaad, lana shaqaaleyn doono ilaa 100 kun oo shaqaalaha cafimaadka bulshada ah iyo 4000 oo dhaqtar maalmaha soo socda.
Kulan uu madaxweynaha dalkasi William Ruto laqaatay hogaamiyaasha shaqaalaha caafimaadka Kenya ayaa waxaa la isku afgartay in wax ka bedel lagu sameeyo fidinta adeegga caafimaadka.
Ururka Dhakhaatiirta, Farmashiyeyaasha iyo Ururka Dhakhaatiirta Ilkaha ee Kenya (KMPDU) ayaa soo dhoweyey ballan qaadka dowlada ee ah inay soo afjari doonto dhakhaatiir la’aanta ka jirta dalka.
KMPDU, ayaa bayaan ay soo saartay Arbacadii, waxay ku sheegtay in Madaxweyne Ruto uu ballan qaaday arrintan intii lagu jiray kulan quraac ah oo Talaadadii lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada, Nairobi, Talaadadii.
Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo xoghayaha guud ee golaha wasiirada Musalia Mudavadi, waxaana kulanka lagu sheegay in uu yahay madal wada tashi oo ay la yeesheen wakiilada shaqaalaha oo uu hogaaminayay Xoghayaha Guud  Francis Atwoli.
Lama oga halka mushahar looga keeni doono 100 kun oo shaqaale caafimaad iyo 4000 kun oo dhaqtar, iyadoo Dowlada Kenya ay la daalaa dhaceyso dhaqaale daro iyo deymo balaayiin dollar gaaraya oo lagu leeyahay.