Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Nabadoon Cabdullaahi Xassan Cawaale oo goordhaw la dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw xaafada Nuur Xawaad ee magaalada Baladweyne waxa ay ku dileen Nabadoon Cabdullaahi Hassan Cawaale (Tooratoor) oo kamid ahaa waxgaradka magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxda hubeesan ay rasaas huwiyeen nabadoonka , waxaana dilka kaddib kooxda hubeesan eryaday dad ka agdhawaa halka dilku ka dhacay, hasa ahaatee kooxda hubeesan ayaa dadka ku tuuray bambaaooyin.

Rasaas iyo qaraxyada bambaanooyin ayaana si weyn looga maqlay aaga uu dilku ka dhacay, waxaana goobtaasi si degdeg ah usoo gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida oo halkaasi howlgalo kawada.

Nabadooka la dilay ayaa kamid ahaa waxgaradka caanka ka ah gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne, mana jiro ilaa hada wax war ah maamulka gobolka Hiiraan iyo laamaha ammaanka kasoo saareen dilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo booqday dekeda Boosaaso iyo xarumo kale (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Jubaland oo bedeshay habraaca mid ka mid ah kuraasta lagu dooranayo Ceelwaaq

Caydiid Ali

Catriona Laing: “Al-Shabaab waxay weli halis muuqata ku tahay amniga Somalia”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---